Agaasimaha Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS  oo xadhiga ka jaray Xafiiska cusub ee Komishanka SOLNAC

Agaasimaha Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS  oo xadhiga ka jaray Xafiiska cusub ee Komishanka SOLNAC
Weftiga heer qaran ee komishanka Xakameynta HIV AIDS-ka Somaliland oo maalimahanba ku jira safar shaqo oo ujeedadiisu tahay:
1. Furitaanka Xafiisyadda heer gobol ee komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka Somaliland
2. Tobabar shaqaalaha komishanka ee ka hawl-galaya Gobolada iyo
3. U guur iyo kormeerida hawlaha shaqo ee xafiisyada Goboladda.
Weftigaasi oo uu hogaaminayo Agaasimaha fulinta Prof. Ahmed Cabdi Ismaciil kuna weheliyaan Agaasimaha tobabarada iyo horumarinta Shaqaalaha, Mr. Mohamed  Jamac Siciid, madaxa Qaybta kormeerka iyo dabagalka Mr. Ducaale saleebaan cabdi iyo khabiirka Caafmaadka HIV ee komishanka Dr. Mohamed Cabdilaahi Ibraahim Ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26 May 2022, Gaadhay Gobol Sool.
Agaasimaha fulinta komishanku Qaranka ee Xakamaynta HIV AIDS-ka Somaliland Prof.Axmed Cabdi Ismaaciil iyo Gudoomiye-xigeenka Gobol Sool ayaa xadhiga ka jaray Xafiiska cusub ee Komishanka ee Gobolka SOOL.

Ugu horeyn waxaa hadal kooban ka jeedisay isudawaha komishanka ee gobolka Sool Marwo Saynab Cabdi kadibna waxay ku soo dhaweysay

Agaasimaha Fulinta Komishanka Prof.Axmed Cabdi Ismaaciil oo faahfaahin ka bixiyey safar ay gobolka ku yimadeen isagoo Agaasimahu sheegay in ay ujeedada safarkuni daaran tahay saddex qodob oo kale ah:
Furitaanka Xafiisyadda heer gobol ee komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka Somaliland
2. Tobabar shaqaalaha komishanka ee ka hawl-galaya Gobolada iyo
3. U guur iyo kormeerida hawlaha shaqo ee xafiisyada Goboladda.
Intaasi kadib wuxuu Agaasimuhu kusoo dhaweeyey Gudoomiye-xigeenka Gobolka Sool.

Ugu danbayntii Agaasimaha fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka Somaliland Prof.Axmed Cabdi Ismaaciil wuxuu xadhiga ka jaray Xafiiska cusub ee uu yeelanayo Gobol Sool ee komishanku