Agaasimaha komishanka Qaranka Ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland  Ayaa Xadhiga Ka Jaray Xafiiska Komishanka Ee Gobolka Sanaag

Agaasimaha Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland  Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil oo ay weheliyaan Agaasimaha tobabarada iyo horumarinta Shaqaalaha Mr. Maxamed Jaamac Siciid iyo xubno ka tirsan komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka oo maalmihii u dambeeyay safar ahaqo igu maqnaa gobolada bari safarkaasi oo ujeedadiisu tahay:
Furitaanka Xafiisyada Cusub ee Gobolka  Beri ee komishanka Xakameynta HIV AIDS-ka.
2. Tobabar shaqaalaha komishanka ee ka hawl-galaya Gobolka goboladaasi iyo
3. Kormeeridda iyo qiimeynta xafiisyaddaasi.

Ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 May 2022, Gaadhay magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceergaabo. Iyadoo agaasimaha fulinta komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka Somaliland Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil si rasmi ah xadhiga uga jaray xafiiska Komishanka Qaranka Ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka ee Gobolka Sanaag, kaas oo xarun u noqon doona shaqaalaha komishanka ee gobolka islamarkaana laga dardar galin doono shaqada uu komishanku qaranka u hayo.
Munaasabadaasi xadhiga lagaga jaray Xafiiska cusub ee Gobolka Sanaag waxaa hadalo kooban ka jeediyay masuuliyiinta heer gobol iyo heer Qaran.
Ugu horeyna Waxaa Halkaasi hadal ka jeedisay isudawaha komishanka ee gobolka Sanaag Marwo Nimco Cali Saleebaan iyadoo halkaasi uga mahad naqay agaasimaha Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka sidoo kalena xustahay xilka iyo waajibaadka Komishanku u aasaasanyahay intaasi kadibna 
Waxay hadalka ku soo dhaweysay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo halkaasi ka jeediyey hadalo kooban oo ugu mahad naqayo Agaasimaha Fulinta ee Komishanka islamarkaana Gudoomiyuha wuxuu balanqadaay inuu la shaqeynayo Xafiiskan
Ugu danbeyna Agaasimaha Fulinta Komishanka Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil wuxuu faahfaahin ka bixiyey ujeedada safarka oo uu sheegay kaliya in ayna ahay in xafiiskan xadhiga ka jaro lkn sidoo kale in tobabar la siinayo shaqaalaha ka hawl-galaya xafiiskan Gobolka Sanaag iyo in ay ogaadaan xalada dhabta ee gobolka iyaga oo kulamo la qaatahay masuuliyiinta heer gobol ee komishanka iyo madaxda caafmaadka, degmada iyo gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo Agaasimaha fulinta ee komishanka AIDS-ka ayaa si wada jira xadhiga uga jaray xafiiskan oo halbawle u ah isku xidhka shaqada komishanka u hayo qaranka, sidoo kalena masuuliyiinta heer gobol ay ugu adeegi doonaan shacabka.