Barmaamijka Baraarug ee Idaacadda Hargeisa ka baxa

Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-KA Somaliland oo gudanaya Xilka iyo Waajibaadka uu Qaranka u hayo, ayaa wuxuu ardayda dhigta Dugsiyadda sare ee dalka Qaarkood u Qabtay Waciyagalinta ku Saabsan ka hortaga iyo ka foojignaanta Caabuqa Aidska. Kaasi oo ah Qorsha Komishanka ee sanadkan 2022, barmaamijka Waciyagalinta dhalinyarada ee haldhagiisuna yahay "Barmaamijka Baraarug" oo lagu talo galay in Da'yarta dalka lagu baraarujiyo Caabuqa HIV-AIDS-KA.
hadaba, waxaad halkan ka dhagaysan kartaa barmaamijka Baraarug oo uu duubay Radio Hargeisa oo qayb ka ah barmaamijka Baraarug.