Barmaamijka Baraarug ee Wacyi-gelinta ee ka baxa Idaacada Radio Hargeysa

Barnaamijyada Baraarug ee ka Wacyi-gelinta bulshada ka hortaga cudurka/Cudursidaha HIV-AIDS-KA iyo xakamaynta faahfidiisa, oo laga sii daayo Idaacada Radio Hargeysa todobaadkiiba hal mar. Ayaa todobaadkan waxaa diiradda lagu saarayaa Xuquuqda shaqada iyo xilka iyo waajibaadka ka saaran dawladda arrimaha faquuqa iyo takoorka dadka la nool xanuunka HIV-AIDS-KA , iyo siduu dastuurku u damaanad qaaday arrimahaasi todobaadkan waxaa Radio Hargeysa ka wareysanaysaa Agaasimaha Waaxda dastuurka ee wasaaradaha xidhiidha golayaasha iyo arrimaha dastuurka.

Agaasimihu waxaa faahfaahinnayaa qodobada dastuurka ee 8AAD iyo 20AAD.

QODOBKA 8AAD : SINNAANTA MUWAADINIINTA
1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.

2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran


QODOBKA 20AAD: SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA IYO BADBAADINTA SHAQAALAHA

1. Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.