Dib-u-Eegista iyo Gorfaynta Xeerka Aasaaska Gudida(Komishanka) ee Xakamaynta AIDS-ka

 Komishanka Xakamaynta Aids-ka Somaliland ayaa shaqaale waynaha komishanka u qabtay kulan lagu galanqaynayay siyaasadda iyo xeerarka komishanka qaranka ee xakamaynta Aids-ka,si kor loogu qaado waxqabadka komishanka qaranka ee Aidska.


Kulankan  oo ay soo qayb galeen Masuuliyiinta Komishanka oo ay kamid yihiin Agaasimaha Fulinta, Agaasimaha Maamulka, Agaasimaha Daweynta iyo Daryeelka, Agaasimaha tobabarda iyo Shaqaalaha iyo khabiiro iyo garyaqaano ku xeel-dheer sharciga iyo Shaqaalaha komishanka ayaa lagu gorfeeyay sidii looga wada-qayb qaadaan lahaa dib-u eegista iyo waxyaabaha muhiimka ah ee loo arko in loo baahanyahay si wax loogu qabto bulshada xanuunka la nool,kuwaas oo uu xil ka saaranyahay komishanka xakamaynta Aidska.

Ugu horrayn agaasimaha fulinta komishanka qaranka ee xakamaynta Aidska Md.Axmed Cabdi Ismaaciil oo kulanka furay ayaa shaqaalaha kula dardaarmay inay ka qayb-qaataan doodan dib loogu eegayay xeerarka uu ku aas-aasanyahay komishanku,islamarkaana wixii talo iyo aragti ah ee ay hayaan ay ju kaabaan khubarada soo diyaarisay kulankan.

Dhinaca kale macallimiinta kulanka soo qabanqaabiyay ayaa sharraxay qodobada loo baahanyahay in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo,si loo gaadho hadafka uu komishanku u aas-aasanyahay,waxaanay soo jeediyeen in shaqaaluhu soo gudbiyaan talooyinka ay u arkaan inay muhiim yihiin islamarkaana wax ka tarayaan wanaajinta shaqada iyo ilaalinta iyo daryeelka bulshada la nool cudursodaha HIV/AIDS-ka.

sidoo kale waxay macallimiinta  iftiimiyay qodobada wax ka bedelka u baahan ee ku jira xeerka guddida qaranka ee xakamaynta Aids-ka, iyagoo  soo jeediyay inay shaqaaluhuna firkirkooda ku darsadaan,si loo dhamaystiro xeerarka iyo qodobada qabyadda ah ee ku jira.