FURITAANKA XAFIISKA GOBOLKA TOGDHEERE EE KOOMISHANKA XAKAMAYNTA AIDSKA

Agaasimaha fulinta komishanku Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-KA Somaliland Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil Ayaa furey xafiiska cusub ee Gobolka Togdheer ee komishanka iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Komishanka Xafiiska ku yeesho Gobol Togdheer mudadii uu jiray komishanka Qaranka Xakamaynta HIV AIDS-ka, iyadoo ay ka hawl-gali Jirey isku duwaha gobol ee komishanka Dr. MAHDI, laakiin aanu haysan Goob u shaqeeyo iyo shaqaale ka hawl-gala.
Agaasimaha fulinta ee Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV AIDS-ka prof. Ahmed Cabdi Ismaciil uu ku Guulaystay in uu maanta ka furo Xafiiska heer Gobol ee Gobolka Togdheere iyo Shaqaaleysiinta Shaqaalaha uu u baahan yahay Gobolku, kuwaasi oo ka hawl-galaya Xarunta Gobolka iyo dhamaan Degmooyinka Gobolka Hoos Yimaado, sidaa darteedna, Komishanka Qaranka Ee Xakamaynta HIV-AIDS-KA Somaliland wuxuu si fudud u gaadhi doona ujeedooyinka komishankani u Aasaasan-Yahay.
Xafladii furitaanka xafiiskani waxaa kale oo ka soo qaybgalay islamarkaana khudbado ka jeediyey Madaxda Gobolka Togdheer
2. Tobabar shaqaalaha komishanka ee ka hawl-galaya Gobolka Togdheer
sidoo kale Agaasimaha fulinta wuxuu u furey Shaqaalaha komishanka ee Gobolka togdheer tobabar ujeedadiisu tahay kobcin Aqoonta iyo xirfadda bixinta Adeegyadda uu bixiyo komishanka