Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka 00 wacyigalin ku saabsan HIV-ga u sameeyeen Ciidanka Dabdamiska Qaranka

Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland 00 Wacyi-Galin Ku Saabsan Xanuun Dhaliyaha HIV U Sameeyay Ciidanka Dabdamiska Qaranka. Masuuliyiinta waaxda wacyigalinta iyo abaabulka ee komishanka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS-ka ayaa ciidanka dabdamiska u sharraxay faahfaahinna ka siiyay hababka laysugu gudbiyo iyo sida ay muhiimka u tahay in ciidamadu qaybtooda ka qaataan sidii bulshada looga wacyigalin lahaa.
Dhinaca kale taliyaha ciidanka dabdamiska Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Xasan Sawaaxili ayaa komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka uga mahad celiyay wacyigalinta ay u sameeyeen ciidanka waxaanu ballan qaaday inay si joogto ah ula shaqaynayaan.