Kulan Badhasaabka Gobolka, Weftiga heer qaran ee Komishanka iyo Gudida Hagista ee Gobolka Sanaag ee komishanka Qaranka Xakameynta Aids-ka

Badhasaabka Gobolka Sanaag Iyo Weftiga Heer Qaran Komishanka Xakaamynta HIV/AIDS-ka Oo Kulan La Qaatay Guddida Hagista Ee Gobolka Sanaag


Masuuliyiinta Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland oo maalmihii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa maanta kulan la qaatay Badhasaabka Gobolka Sanaag oo ay Weheliyaa  guddida hagista Komishanka ee heer  gobolka, kulankaas oo ujeedadiisu ahayd  dardar galin lahaa shaqada komishanka ee heer gobolka islamarkaana kor loogu qaadi lahaa adeega shaqo ee komishanku bulshada uga masuulka yahay.

Kulankan oo uu hogaaminayay Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Isdeber, Gudida Hagista heer Gobol iyo Weftiga heer Qaranka ee Komishanka oo ay hogaaminayaan Agaasimaha Daweynta iyo Daryeelka Marwo Sahra Maxamed, Agaasimaha Cududa Shaqaalaha iyo Tobabaradda Mudanne Maxamd Jaamac,   iyo xubno ka tirsan komishanka AIDS-ka  ee heer Qaran ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay xoojinta shaqada iyo sidoo kale in kor loo qaado  wada shaqaynta guddida hagista iyo komishanka,maadaama komishanka xakamaynta AIDS-ku uu bulshada masuul uga yahay sidii loo yarayn lahaa fiditaanka xanuunka HIV/AIDS-,bulshadana loogu wacyi galin lahaa in bulshada la nool xanuunka ay aad u daryeelaan oo aan la faquuqin.


Gabagabadii kulankan ay masuuliyiintu iskaga xog-waraysanayeen kor u qaadista shaqada komishanka ee gobolka ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan,iyadoo madaxdu ay xubnaha kula dardaarmeen inay si hufan ugu shaqeeyaan bulshada.