Masuuliyiin ka socda komishanka Xakamaynta AIDS-ka Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ayaa maanta kulan la qaatayguddida hagista ee gobolka oo ay wada shaqayn toos ah leeyihiin komishanka HIV/AIDS-ka Somaliland Kulankan oo uu hogaaminayay Badhasaabka gobolka Sool Cabdikariin Aadan X.Diiriye ayay masuuliyiintu ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka iyo wadashaqaynta komishanka iyo xubnaha hagayaasha,si laysaga kaashado kor u qaadista adeega loo qabanyo dadka la nool xanuunka AIDS-ka.
Sidoo kale waxay masuuliyiintu kormeer ku tageen Cisbitaalka guud ee Laascaanood, waxaanay warbixin ka dhagausteen maamulka cusbitaalka islamarkaana waxay u kuur galeen sida loogu shaqeeyo bulshada,waxa kale oo ay masuuliyiinta Cusbitaalka ku boorriyeen in xil wayn ay iska saaraan muwaadiniinta ay u shaqaynayaan, si dadka la nool xanuunka AIDS-ku ay u helaan adeeg hufan,wxaanay fareen in soo dhawayn iyo tix galin dheeraad ah loo muujiy