Masuuliyiinta Komishanka Heer Qaran oo kulan la Qaatay Gudida heer Gobolka Sool

Masuuliyiin ka socda komishanka Xakamaynta AIDS-ka Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ayaa maanta kulan la qaatayguddida hagista ee gobolka oo ay wada shaqayn toos ah leeyihiin komishanka HIV/AIDS-ka Somaliland Kulankan oo uu hogaaminayay Badhasaabka gobolka Sool Cabdikariin Aadan X.Diiriye ayay masuuliyiintu ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka iyo wadashaqaynta komishanka iyo xubnaha hagayaasha,si laysaga kaashado kor u qaadista adeega loo qabanyo dadka la nool xanuunka AIDS-ka.
