Masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta HIV-AIDS-KA oo Tobabar u Qabtay Shaqaalaha Komishanka ee Ka Hawl-Gala Xarunta Guud

Masuuliyiinta Komishanka  Qaranka Ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland Oo Tababar Kor Loogu Qaadayo Aqoonta Iyo Xirfadda Shaqaalaha U Qabtay Shaqaalaha Ka Hawl-gala Xarunta Guud ee Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka Somaliland ee caasimadda Hargaysa.
Hargaysa:- Komishanka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland ayaa tababar u qabtay shaqaalaha komishanka, gaar ahaan shaqaalaha ka hawl-gala caasimadda Hargaysa, tababarkan oo ka qabsoomay Hall-ka shirarka ee komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka.
Tobabarkaasi oo uu si rasmi ah u furay agaasimaha fulinta ee  komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil waxaanu shaqaalaha faahfaahin ka siiyay waajibaadka uu qaranku ku leeyahay shaqaalaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay isagoo agaasimihu sheegay in shaqaalaha ay waajib ku tahay u adeegista qaranka iyo inay ilaaliyaan wakhtiga shaqada una gutaan waajibkooda si joogta ah, sidoo kalena waxa uu agaasimuhu intaa raaciyay in shaqaaluhina ay dawladda xaq ugu leeyihiin helidda tababarro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadooda shaqo, si shaqaaluhu u yeeshaan aqoon iyo xirfad sare oo ay ugu adeegaan bulshada.
Agaasimaha shaqaalaha iyo tababarada ee komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Maxamed Jaamac Siciid oo isagu si rasmi ah shaqaalaha tababarka u siinayay ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay shaqaaluhi uga baahanayihiin qarankooda iyo xuquuqaha qaranku siiyay, waxaanu sheegay in shaqaaluhu ay xuquuqo fara badan ku leeyihiin qaranka oo uu dastuurku u damaanad qaaday, taasina ay u baahantahay in shaqaaluhu bartaan, sidoo kalena uu qaranku shaqaalaha xaq ku leeyahay, loona baahanayhay inay waajibkooda ka soo baxaan.
Tababarkan maanta la siiyay shaqaalaha komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka ee Hargaysa ayaa qayb ka ah tababaro joogto ah oo maamulka komishanku kor ugu qaadayaan tayada shaqaalaha si loo helo shaqaale xirfad iyo aqoon sare leh oo u adeega bulshada islamarkaana si xilkasnimo leh u guta shaqada qaranka u hayaan