Abuurista gudiyadda Komishanka Xakameynta HIV AIDS-ka ee Heer Gobol iyo Heer Degmo


Maanta oo taariiktaariikhdu 09 December 2021, wuxuu Agaasimaha Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka  Somaliland Mr. Ahmed  Abdi Ismail ku qabtay Kulan Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Borama Kulan ay Ka soo Qayb Galeen madaxda Heer Gobolka iyo Heer degmo sida Badhasaabka Gobolka iyo Maayirka Degmada Borama iyo Isuduwayaasha Wasaaradda Gudida Hagista Komishanka. Kulankaasi oo Ujeedadiisu Ahayd Abuurista Golaha Kormeerka ee Heer Gobol iyo Unnuga Kormeerka heer Degmo ee Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-KA  Somaliland.


lUgu horeyna waxaa kulankaasi faahfaahin ka bixiyey      Duale  suleiman, Qaabka wada shaqeynta komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV iyo Maamulka Gobolka iyo Degmadda
waxaa kulaankaasi hadal ka soo jeediyaan Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Axmed Cali (Tiinbaro


Gebgabadii Kulankaasi waxaa halkaasi lagu aasaasay Gudiyadda Heer Gobol iyo Heer Degmo ee komishanka Xakameynta HIV AIDS-ka Somaliland. Kuwaasi oo ka hawl gali doona dardargelinta Wacyi-Gelinta iyo Xakamaynta Fiditaanka Cudursidaha HIV ee heer Gobol iyo heer degmo isna garab istaagi doonaan Maamulka Komishanka ee Gobolka iyo ka Degmadaba.