Shaqaalaha Komishanka Qaranka Xakamaynta Aids-ka oo Qaatay Tababar Ku Saabsan Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyada

Shaqalaha Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka ayaa tobabar ku saabsan barashada dastuurka iyo waddaniyadda uga furmay Huteelka Baraar ee Magaaladda Hargiesa kaasi oo ay bixinayeen Garyaqaano ka socda Wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, kaas Maalinti shalay uga furay, Maanta lagu soo gabagabeeyey halkaasi iyadoo shaqaalaha komishanku ku baranayeen mudadaaasi labada cisho ah Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xuquuqaha uu muwaadinka ku waajibiyay.

            
Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay agaasimaha tababarada iyo shaqaalaha ee komishanka Aids-ka komishineer Maxamed Jaamac Siciid,waxaanu shaqaalaha ku boorriyay inay ka faa'idaystaan tababarkan waxaanu yidhi, " Waxan idin boorrinayaa in aad si fiican uga faa'idaysataan tababarkani mudada uu socdo,maxaa yeelay waa muhiim in shaqaalaha dawladdu uu barto islamarkaana yaqaanno dastuurka qaranka,kaas oo damaanad qaadaya xuquuqda shaqaaluhu ama muwaadinku uu ku leeyahay dalkiisa,muwaadinkana faraya inu ilaaliyo waajibaadka looga baahanyahay".

Agaasimaha waaxda waciyagalinta ee wasaaradda dastuurka ayaa isagina faahfaahiyay muhiimadda uu leeyahay barashada dastuurku waxaanu yidhi," Ujeedada tababarkani waxa weeye in shaqaaluhu uu barto dastuurka qaranka iyo waddaniyada si aynu kor ugu qaadno aqoonta aynu u leenahay dastuurkeena,kaas oo ka kooban 130 qodob,waxaana landing doonayaa inad xafidaan oo aad ilaalisaan,sababtoo ah dastuurka waa ka ilaalinaya xuquuqdiina iyo ta qaranka labadaba".

Sidoo kale

Agaasimaha Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka Axmed Cabdi Ismaaciil ayaa wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka uga mahad naqay siday uga aqbaleen in shaqaalaha komishanka Aids-ka loo qabto tababarkan,kaas oo muhiimad wayn u leh shaqaalaha waxaanu yidhi," Run ahaantii aad baan ugu mahad celinayaa agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka oo nagala shaqaysay in aanu tababarkan helno oo uu maanta innoo qabsoomo,waa waajib in shaqaaluhu helaan tababarro kala duwan kuwaas oo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo kuwa ku saabsan barashada dastuurka intaba,sidaa darteed waxan shaqaalaha komishanka xakamaynta Aids-ka farayaa inay ka faa'idaystaan casharada mudada uu tababarku socdo,kumana koobnaan doono xarunta balse goboladana waxanu rajaynaynaa in aanu u qabano tababarkan lagu baranayo dastuurka iyo waddaniyadda".
 Kulankaasi barashada Dastuurkaiyo waddaniyadda ee ay bixinayeen garyaqaanada ka socoda wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo Arrimaha dastuurka ayaa maanta ku soo gabagaboobay isagoo Agaasimaha Tobabaradda iyo Shaqalaha ee Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Maxamed Jaamac Siciid ugu soo xidhay kulankaasi maanta. shaqaalihii bartay Dastuurka iyo Waddaniyadda mudda labada cisho ah islamrkaan kula dardaarmay shaqalaha in ay aqoonta ay barteen sii wadaan islamarkaan kula noqdaan xafiisyada oo ay uga faaidayeen naftooda iyo shaqalaha kaleba