Xeer-nidaamiyaha Komishanka Qaranka Xakamaynta AIDS-ka

XEER-NIDAAMIYAHA DHISMAHA AGAASINKA FULINTA KOMISHANKA QARANKA EE XAKAMAYNTA AISDS-KA

Markuu Arkay: - Qodobka 19(3) ee Xeerka Asaasida Guddida (Komishanka) Qaran ee Xakamayta HIV/HIV-AIDS-ka., Xeer Lr. 67/2014. Kaasi oo awood sharci u siinaya in Agaasinka fulinta Diyaariyo Xeer-hoosaadka Xeernidaamiyayasha iyo habraacyadda Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV AIDS-ka Golaha Hagistuna ansixinayo

Markay arkay: Qodobka 3AAD iyo Qodobka 25aad ee Xeerka Asaasida Guddida (Komishanka) Qaran ee Xakamayta HIV/HIV-AIDS-ka., Xeer Lr. 67/2014,

Markuu Arkay: - Baahida loo qabo in la helo Xeer-nidaamiye hagaya xilka iyowaajibaadka Waaxaha Komishanka

Waxa uu soo saaray Xeer Nidaamiyaha ah (Xeernidaamiye Lr. 05/2022) ee ku taariikhaysan xxx May, 2022

Alla Mahad Leh

 

 

 

 

 

 

Qodobka 1aad: Magaca Xeer-nidaamiyaha

Xeerkan waxa loogu yeedhayaa, Xeer-nidaamiyaha Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-KA Xeer-nidaamiye Lr.XXX-2022

Qodboka Labaad: Erey-bixin

Haddii aan xeerkani si kale u sheegin, ereyadan waxa loola jeedaa: -

Gudidda: Waxa looga jeedaa Gudida uu aasaasayo Xeerka komishanka , si waafaqsan qodobka 4AAD ee Xeerka gudid Xakamaynta HIV AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014

Gudoomiye: Waxaa loola jeeda Gudoomiyaha gudida HIV/AIDS-ka

Agaasimaha fulinta: Waa sarkaalka hoggaamiya Maamulka gudida Xakamaynta HIV/AIDS-ka

Agaasinka fulinta: Waxaa loola jeeda Qaybta maamulka komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka oo uu hogaaminayo Agaasimaha fulinta

Qodobka sadexaad: Ujeedada Xeer-nidaamiyahani

Ujeedada Xeer-nidaamiyahan waa:

  1. Agaasinka fulinta iyo Waaxyaha agaasinka fulinta uu ka kooban yahay iyo qaybaha ay waax waliba u sii kala baxayso
  2. shaqooyinka iyo Hawsha ay waax waliba u xilsaaran tahay,
  3. Awoodaha iyo xilalka madaxda waaxyaha iyo degmooyinka,
  4. Hawlaha xafiisyada gobolada iyo degmooyinka,

Qodobka afraad: Astaanta Komishanka

Iyadoo laga duulayo qodobka 3AAD ee Xeerka Aasaaska Gudida Qaranka ee Xakamaynta HIV AIDS-ka Somaliland ee xeer Lr.67/2014.

Astaanta Guddidu (Komishanku) waxay yeelanaysaa astaan u gaar ah oo ah (Khariidadda Somaliland oo uu ka dhex talowsanyahay Qool cas oo astaan u ah AIDS-ka, didabka khariidadda Somaliland waa cagaar waxaana Ku xeeran midab cadaan ah, Qoolka iyo cadaanka waxaa ku dul wareegsan laba goobaabood oo kala sarreeya oo dhexdooda uu marsanyahay midab cagaarani, dhinaca sare ee midabka cagaaran waxaa min bidix ilaa Midig Ku qoran: “Guddida (Komishanka) Qaranka ee HIV-AIDS-ka”, Dhinaca hoose ee diillinta cagaaran meel badhtamaha hoose ah waxay ku dul fadhiyaan barkin leh midab buluugga oo ay Ku dhex qorantay (SOLNAC)/Waxaana awood u leh waxka bedelkeeda Guddida.

Qaybta LABAAd: Agaasinka fulinta iyo Waaxyaha agaasinka fulinta uu ka kooban yahay iyo qaybaha ay waax waliba u sii kala baxayso

Iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee Komishanka, iyo xeerka Aasaaska Gudida Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-KA Qodobkiisa 19AAD faqradiisa 1AAD ee Xeerka Komishanka Xeer Lr. 67/2014 ,

Qodobka SHANAAD Waaxyaha Agaasinka fulinta ka kooban yahay

Agaasinka Fulintu wuxuu ka kooban yahay Agaasimaha Fulinta iyo todoba Waaxood oo kale ah sidan:

  1. Waaxda Daaweynta iyo Daryeelka
  2. Waaxda Maamulka iyo Lacagta,
  3. Waaxda Wacyi-gelinta iyo Ka-Hortagga
  4. Waaxda Cududa Shaqaalaha
  5. Waaxda Kormeerka iyo Dabagalka
  6. Waaxda Qorsheynta, Istatistikada iyo Cilmi-Baadhista
  7. Waaxda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

 

Qodobka LIXAAD qaybaha ay waax waliba u sii kale baxayso

  1. Waaxda daaweynta iyo daryeelka oo u sii kale baxaysaa saddex qaybood oo kale ah:
  1. Qaybta Daryeelka
  2. Qaybta Daaweynta
  3. Qaybta integrated prevention
  1. Waaxda Maamulka iyo Lacagta oo ka kooban Afar qaybood oo kale ah:
  1. Qaybta Maamulka
  2. Qaybta Xisaabaadka
  3. Qaybta kaydka iyo Xasuus reebka
  4. Qaybta Iibka
  1. Waaxda Wacyi-gelinta iyo Abaabulka oo ka kooban Afar qaybood oo kale ah:
  1. Qaybta Wacyi-gelinta
  2. Qaybta abaabulka
  3. Qaybta Isgaadhsiinta
  4. Qaybta
  1. Waaxda Cududa Shaqaalaha oo ka kooban 6 qaybeed oo kale ah:
  1. Qaybta horumarinta Shaqaalaha
  2. Qaybta shaqaalaysiinta
  3. Qaybta Tobabaradda
  4. Qaybta kobcinta Aqoonta
  5. Qaybta Qiimeynta Shaqaalaha
  6. Qaybta badbaadada iyo caafmaadka
  1. Waaxda Kormeerka iyo Dabagalka oo ka kooban saddex qaybood oo kale ah:
  1. Qaybta kormeerka
  2. Qaybta Dabagalka iyo Qiimeynta
  3. Qaybta Xidhiidhka iyo isku-duwidda
  1. Waaxda Qorsheynta, Istatistikada iyo Cilmi-Baadhista oo ka kooban SADDEX qaybood oo kale ah:
  1. Qaybta Qorshaynta
  2. Qaybta tirakoobka
  3. Qaybta Cilmi-Baadhista iyo Daraasadaha
7. Waaxda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda oo ka kooban Afar qaybood oo kale ah:
       A. Qaybta Tiknolojiyada
      B. Qaybta Isgaadhsiinta iyo Saxaafada
      C.Qaybta kaydinta xogta
    D.Qaybta maamulka iyo maareynta TiknolojiyadaQaybta

 

QAYBTA SADEXAAD: shaqooyinka iyo Hawsha ay waax waliba u xilsaaran tahay,

 

Qodobka Todobaad: Xilka iyo shaqadda Waaxda Maamulka iyo Lacagta

  1. Ka kaalmaynta dhamaan waaxaha wixii adeeg maamul la xidhiidha.
  2. Fulinta dhamaan xeerar ka maaliyadeed iyo hagayaasha, si ay gacan uga gaysato gaadhida yoolasha Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV AIDS-ka Somaliland
  3. Samaynta iyo maamulida kutalagal-ka waaxaha (Departmental Budget).
  4. Ka shaqaynta sidii si hufan oo abda leh looggu adeegsan lahaa khayraad-ka (Resources) kala duwan ee Waaxaha, haday tahay agab, dad, lacag, gaadiid iyo guryaba.
  5. Gacan siinta xafiiska adeegyada baadhista iyo xakamaynta gudaha, dhamaan diiwaanada/waraaqaha ay u baahdaan, iyadoo lagala tashanayo madaxda sare ee Komishanka.
  6. Abuurida jawi ku dhisan furfurnaan, daacadnimo,is xaq-dhawr,sinaan, iyo wada shaqayn Waaxda dhexdeeda.
  7. Kor u qaadista xidhiidh-ka iyo abuurista jawi ku dhisan macaamilo wanaag.
  8. U diyaarinta shaqaalaha jawi ku haboon gudashada waajibaadka shaqo, iyadoo ahmiyada lasiinayo wada shaqaynta, hal abuurka, dhiirigalinta, iyo badheedhaha qofeed.
  9. Si hufan oo hufan loo maareeyo saadka iyo hantida kale ee Wasaaradda Horumarinta iyo dayactirka qorshayaasha hantida shirkadaha iyo hubinta nadaafadda, fayadhowrka iyo ilaalinta nadaafadda dhismaha Komishanka
  10. Isku-dubbaridka hirgelinta soo iibsiga maaliyadeed, iyo siyaasadaha maaraynta diiwaanka, hababka iyo nidaamyada
  11. Kormeerka rakibidda iyo hirgelinta maamulka maaliyadeed ee habboon iyo hababka xakamaynta gudaha si loo yareeyo khatarta iyo khiyaanada
  12. Kormeerka hawlaha maamulka wax iibsiga iyo qandaraasyada ee Komishanka
  13. Qiimaynta saamaynta dhaqaale ee fulinta qorshayaasha shaqo iyo miisaaniyada Komishanka
  14. Kormeerka xisaab-xidhka maaliyadeed ee sannadlaha ah iyo jawaab-celin ku filan oo maamul oo ku aaddan weydiimaha hanti-dhawrka ayaa la bixiyaa
  15. Xaqiijinta waxtarka iyo shaqaynta nidaamka maaraynta diiwaannada oo ay ku jiraan diiwaannada guud, sirta iyo shaqaalaha

Qodobka Sideedaad: Xilka iyo shaqadda Waaxda Daaweynta iyo Daryeelka

Waaxdani waxay ka mas’uul tahay:

  1. Dejinta siyaasadda iyo nidaamka qaadashada dawada cuduurka cudursidaha HIV/AIDS
  2. Kormeerida iyo ku korjoogida dawo qaadasha
  3. Daryeelka dadka la nool cuduurka cudursidaha HIV/AIDS

Qodobka Sagaalaad: Xilka iyo shaqadda Waaxda Wacyi-gelinta iyo Abaabulka

  1. Dejinta istaraatiijadda wacyi-gelinta bulshada Somaliland
  2. Wacyi-Gelinta bulshada
  3. U abaabulisad bulshadda koox koox si loo gaadhsiiyo Wacyi-Gelinta

Qodobka Tobanaad: Xilka iyo shaqadda Waaxda Cududa Shaqaalaha

  1. Waaxda Kor u qaadista Wax soo saarka.
  2. Waaxda H. Cududa Shaqaalahu waatan laga rabo inay ka hawl-gasho xaqiijinta inay Wasaaradda kasoo baxaan hawlo wax ku ool ah oo midha dhal ah. Si taa loo gaadho waxa lagama maarmaan ah in la helo shaqaale kartidooda iyo xirfadooduba sarayso.
  3. Abuurida Jawi wada shaqayn iyo iskaashi ku dhisan oo dhex mara Waaxaha kala duwan ee Komishanka QarankaeeXakamayntaHIV-AIDS-KA.
  4. Waaxdu iyadaa ka masuul ah hour dhigida wada shaqayn dhex marta Waaxaha, iyadoo loo dal leeyahay in khayraadka (Resourses) Waaxaha la abaaabul galiyo si loo gaadho ula jeedooyinka guud ee Wasaaradda

 

Qodobka 11aad: Xilka iyo shaqadda Waaxda Kormeerka iyo Dabagalka

  1. Dejinta qorshaha Kormeerka iyo Qiimeynta komishanka
  2. Kormeerida iyo ku korjoogida mashaariicda Komishanka fuliyo
  3. Kormeeridda xogta tirakoobka warbixinnada loo gudbiyo Komishanka iyada oo la raacayo qawaaniinta Qaranka iyo mabaadiida ku saabsan Komishanka
  4. Diyaargaroobidda qorsheynta, kormeerka iyo qiimeynta warbixinnada
  5. Diyaarinta qorshe siyaasadeed kormeerka iyo qiimeynta ee hannaanka komishanka (M & E
  6. Diyaarinta warbixinada mashaariicda sanadla ah

 

Qodobka 12aad Waaxda Qorsheynta, Istatistikada iyo Cilmi-Baadhista

  1. Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka iyo Cilmi-Baadhista waa waaxda ka mas'uul ka ah qorsheynta, miisaaniyad-dejinta, samaynta mashruuca horumarinta, Cilmi-baarista, Isku-dubbaridka, iyo tirakoobka.
  2. Isuduwidda diyaarinta Qorshaha Istaraatiijiga ah ee 5-Sano ee Komishanka si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland
  3. Isku-dubbarididda cilmi-baarista iyo raad-reebka wax-ku-oolka ee Siyaasadda Komishanka oo ay saldhig u tahay dejinta go’aamo ku saabsan jihada mustaqbalka ee komishanka.
  4. Qabashada qiimeynta sanadlaha ah ee Barnaamijyada komishanka iyo Mashruucyada iyada oo lala kaashanayo saamileeyaal kale iyo dib u eegida nidaamka kormeerka iyada oo ku saleysan talooyinka warbixinta
  5. Isku-dubbarididda cilmi-baarista iyo falanqaynta siyaasadda guud ee Komishanka si loo xaqiijiyo bixinta adeegyo wax ku ool ah
  6. Dib-u-eegista siyaasadaha jira iyo hubinta ku dhaqanka sharciyada iyo xeerarka hadda sida ku cad tilmaamaha istiraatijiyadeed ee komishanka
  7. Isuduwidda horumarinta iyo hirgelinta qorshayaasha tababarka shaqaalaha waaxda
  8. Waaxdu waxa loo igmaday inay door muhiim ah ka ciyaarto toosinta iyo hawlgelinta siyaasadda iyo istiraatijiyadda .

Qodobka 13aad Xilka iyo shaqadda Waaxda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

  1. Diyaarinta qorsha Tiknolojiyada Komishanka
  2. Faafinta barnaamijyada waaxyaha Komishan
  3. Kaydinta xog komishanka
  4. Diyaarinta warbixinada Tiknolojiyada

 

Qaybta 4AAD: woodaha iyo xilalka madaxda waaxyaha

Qodobka 14AAD Awoodaha & xilka Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo lacagta.

  1. Ka kaalmaynta dhamaan waaxaha wixii adeeg maamul la xidhiidha Komishanka qaranka ee Xakamaynta Cudursidaha/Cudurka HIV/AIDS-ka
  2. Horumarinta iyo hirgelinta nidaamka macluumaadka maamulka maaliyadeed ee Komishanka.
  3. Diyaarinta miisaaniyada horudhaca ah iyo sanadlaha ah iyo sidoo kale saadaasha dib loo eegay Miisaaniyaddii hore komishanka
  4. Fulinta Siyaasadaha, xeerarka, habraacyadda iyo xeernidiyaasha lagula soconayo laguna qiimaynayo socodka lacagta caddaanka ah ee Komishanka.
  5. Horumarinta iyo ilaalinta qorshayaasha xafiisyada komishanka iyo hubinta nadaafadda, fayadhowrka, iyo ilaalinta nadaafadda dhismaha Komishanka
  6. Isagoo/iyadoo la tashanaya/latashanaysa Agaasimaha Guud, wuxuu kormeerayaa dhammaan agabka iyo hawlaha soo iibinta ee komishanka AIDS-ka Qaranka
  7. Hirgelinta siyaasadaha iyo habraacyada wax iibsiga ee waafaqsan xeerarka dawladda iyo shuruudaha deeq-bixiyayaasha.
  8. Diyaarinta dukumeentiyada wax iibsiga, odoroska kharashaadka, habaynta qandaraasyada alaabta iyo adeegyada iyo dukumentiga lacag bixinta. Maareynta talo bixinta dhammaan arrimaha la xiriira soo iibsiga iyo habka hindisada
  9. Ururinta iyo falanqaynta xogta maaliyadeed si loo diyaariyo xisaab xidhka bile ah, sadex biloodlaha ah iyo xisaabaadka sanadlaha ah, iyada oo la hubinayo in dhamaan wakhtiga kama-dambaysta ah ee warbixinta maaliyadeed la gaadhay. xallinta khilaafaadyada xisaabaadka iyo khaladaadka
  10. In uu hubiyo/hubiso diiwaannada maaliyadeed ee la hayo si waafaqsan siyaasadaha iyo nidaamyada Xisaabaadka dawladda
  11. dhaqangelinta iyo ilaalinta hababka xakamaynta xisaabaadka
  12. horumarinta iyo ilaalinta saldhigyada xogta maaliyadeed, diyaarinta hanti dhawrka maaliyadeed iyo isku xidhka habka hanti-dhawrka
  13. Diyaarinta isagoo/iyadoo La-tashanaya Agaasimaha Guud ee dhinacyadda dakhliga iyo kharashka, ballanqaadyada maaliyadeed iyo dakhliga mustaqbalka
  14. In uu si joogto ah uga warbixiyo Agaasimaha Guud ee Komishanka arrimaha maaliyadeed, Hantida komishanka iyo wax-iibsiga
  15. Iyo Shaqadda kale ee uu Amro ama u diro Agaasimaha Guud ee komishanku

Qodobka 15aad Awoodaha & xilka Agaasimaha & Masuuliyada Waaxda Cududa Shaqalaha

  1. .Kor u qaadista Tayadda shaqalaha komishanka qaranka ee xakamaynta hiv/aids
  2. Abuurida Jawi wada shaqayn iyo iskaashi ku dhisan oo dhex mara Waaxaha kala duwan ee Komishanka SOLNAC
  3. U soo gudbinta Agaasimaha Guud ee Komishanka (SOLNAC) warbixino Qiimeynta ku saabsan xil-gudashada iyo Shaqada shaqaale weynaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  4. Fulinta Siyaasadda, Xeerka iyo habraacyada maamulka iyo maareynta shaqaalaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  5. Diyaarinta qorshayaasha Qabashada shirarka shaqaalaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  6. Xidhiidhinta iyo Dabagalka hawlaha shaqaalaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  7. Diyaarinta foomamka iyo habraacyadda qiimeynta shaqaalaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  8. Kormeerka waaxyaha iyo soo saaritaanka dhaliilaha shaqadda, iyo u soo gudbinta Agaasimaha Waaxda Xubnaha mutaystay.
  9. Daba-galka iyo qiimaynta shaqada, shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha iyada oo la raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda
  10. Diyaarinta tobabaradda ay u baahan yihiin shaqalaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  11. Diyaarinta qorshayaasha iyo habraacyada Xaadiriska shaqaalaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  12. Maamulida iyo maareynta shaqaalaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  13. Waxa uu masuul ka yahay kormeerka iyo ilaalinta saacadaha shaqada ee shaqaalaha u Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka gudbinaya Agaasimaha iyo warbixintooda Maamulka. saacadaha shaqada qof kasta gaar ahaantiisa isaga oo u gudbinaya Agaasimaha Maamulka
  14. Waxa kale o masuul ka yahay xafidaada galalka shaqaalaha.
  15. Wuxuu u xil saaran yahay soo diyaarinta fasaxyada shaqaalaha.
  16. Wuxuu u xil saaran inuu soo diyaariyo warbixinta sanadka ee shaqaalaha qof kasta gaar ahaantiisa, dhinaca aaminka kartida aqoonta shaqo, dadaalka shaqo iyo masuuliyadda qaadkiisa isagoo ka amar qaadanaya Agaasimaha Maamulka
  17. Xidhiidhinta iyo Dabagalka hawlaha shaqaalaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  18. Fulinta awaamirta kale ee Agaasimaha guud u dirsado

Qodobka 16AAD Awoodaha & xilka Agaasimaha Waaxda Daaweynta iyo Daryeelka

  1. wuxuu gudan doonaa doorkiisa isagoo siinaya taageero farsamo iyo mid maamul oo daneeyayaasha iyo la-hawlgalayaasha iyada oo loo marayo iskudubarid iyo taageero.
  2. wuxuu hoos yimaadaa Agaasimaha Guud ee komishanka wuxuuna u xilsaaran yahay gudashada hawlaha soo socda:
  3. In uu isku duwo lana socdo dhammaan Adeegyada IPTC-yada, wuxuu qabanaaya shirar bille ah oo loogu talagalay la-hawlgalayaasha fulinta IPTCS oo qaadanaya daqiiqadaha shirarka wuxuu soo saaridoona warbixinno bille iyo saddex bilood ah;
  4. Waa in uu door firfircoon ka qaadato shirarka isuduwidda saddexdii biloodba mar;
  5. Wuxu Si joogto ah u qiimaynayaa baahiyaha, Haabaynta adeegyada iyo hab-dhaqanka ka jira dalka. Qiimaynta/haabaynta waxay diiradda saari doontaa: Tas-hiilaadka jira (cisbitaallada, shaybaadhka, goobaha adeegyada gaarka ah iwm.), iyo kartida aadanaha ee lagu heli karo xirfadaha soo socda: Shaybaadhka, ogaanshaha, daaweynta, qaybinta, la-talinta iyo maamulka macluumaadka.
  6. Waa inuu La socodo saadka dawooyinka, qalabka caafimaadka, reagen-yaasha shaybaadhka, qalabka iyo saadka kale.
  7. Kor u qaadida tas-hiilaadka caafimaadka si loo bixiyo adeegyo isku dhafan oo ay ku jiraan daryeelka caabuqyada fursada ah iyo STIs iyo in uu hubiyo in taageero farsamo iyo maamul oo ku filan loo heli karo si loo hirgeliyo adeegyada daaweynta iyo daryeelka.
  8. In uu qiimeeyo awoodda bixinta Dawaynta Kahortagga Retroviral (ART). Ee La xidhiidha daneeyayaasha kale iyo la-hawlgalayaasha horumarinta kaabayaasha adeegyada daaweynta iyo ka hor-tagga wuxuuna shaqalaha usamaynayaa tababaro marka loo baahdo.
  9. taageerida daneeyayaasha iyo la-hawlgalayaasha qiimaynta iyo kordhinta adeegyada la-talinta iyo Imtixaanka Iskaa-wax-u-qabso ee HIV-AIDs ka ee heer qaran iyo heer gobo lama degmo.
  10. Kor u qaadidista isdhexgalka adeegyada VCT ee Xarumaha STI, xarumaha qaaxada (TB), iyo xarumaha bixiya dhiiga shubista (cusbitaalada), xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka (MCH).
  11. In uu kormeero adeegyada VCT-da oo ay weheliyaan hawl-wadeenada fulinta iyo in la sameeyo wacyi-gelinta bulshada ee kor-u-qaadista VCT-da.
  12. Kor u qaadida dhiig ku shubista aaminka ah. Dhiig ku shubista ayaa raaci-doona tilmaamaha WHO. Iyada oo qayb ka ah istaraatiijiyadan, hay'adaha caalamiga ahi waxa ay Somaliland ka taageeri doonaan in ay habeeyaan hab-raacyada xakamaynta caabuqa HIV/AIDS ka ee taxaddarrada caalamiga ah.
  13. waa inuu Si joogto ah u qiimeeyo oo dib u eego hababka maaraynta STIs syndromic. Soona jeediyo talooyin ku saabsan hababka loo maro. Si loo taageero loona dhiso awoodda adeegyada iyo tas-hiilaadka iyo ogaanshaha meelaha loogu adeegaayo dadka caabuqu asiibay iyo bixinta boosaska shaybaadhista, soo iibinta qalabka shaybaadhka iyo reagents iyo tababarida farsamayaqaannada shaybaadhka.
  14. Iyadoo la kaashanayo la-hawlgalayaasha fulinta taageerada aqoonta iyo carruurta nugul (OVC).
  15. Taageerada dadka la nool HIV/AIDS iyada oo wax ka qabanaysa ceebaynta iyada oo la beddelayo dabeecadaha dadka ee ku wajahan PLWA taasoo awood u siinaysa dadka inay ogaadaan xaaladdooda sero-status iyada oo la siinayo tas-hiilaadka VCT iyo tilmaamaha lagu bixiyo adeeggyada
  16. Taageerada horumarinta iyo hirgelinta Kahortagga Gudbinta Hooyada ilaa Ilmaha (PMTCT).
  17. qaybqaadashada cilmi baadhista iyo ururinta (Malfyada) ama dukumentiyada.HIVAIDS ka
  18. hubinta dhaqamada iyo ka-hortagga caalamiga ah sida looga dhaqmo dhammaan xarumaha HIV AIDS-ka ee Somaliland
  19. Taageerada taranka guud iyo ka bedqabka HIVga caafimaadahaan ee HIV, qaaxada iyo barnaamijyada kale ee HIV.
  20. ku wargelinta Agaasimaha guud ee SOLNAC iyo hawlaha kale ee markaa uu u igmado agaasimaha guud ee SOLNAC

Qodobka 17AAD XiXilk Agaasimaha Waaxda Wacyi-Gelinta iyo Abaabulka

  1. Maamulida iyo Maareynta Waaxda Wacyi-gelinta iyo Abaabulka komishanka Qaranka Xakamaynta Cudursida/Cudurka HIV/AIDS-ka
  2. In uu Sameeyo Qorshaha Waaxda Wacyi-gelinta iyo Abaabulka komishanka Qaranka Xakamaynta Cudursida/Cudurka HIV/AIDS-ka
  3. U turjun siyaasadaha, xeeladaha iyo hawlaha Komishanka Qaranka ee AIDs ololayaasha isgaadhsiinta si loo wargeliyo laguna baro dadweynaha si looga hortago loona xakameeyo fiditaanka HIV/AIDS iyo saamayntiisa
  4. Naqshadeynta iyo fududaynta ololayaasha iyo dhacdooyinka qaranka ee looga dan leeyahay in lagu horumariyo wacyiga togan ee HIV/AIDS-ka, ka-hortagga iyo xakamaynta; in la sameeyo nidaam lagu falanqeeyo waxa ku jira warbaahinta dalka.
  5. Dejinta siyaasadda warbaahinta ee SOLNAC iyada oo la samaynayo siyaasad isgaarsiineed, istaraatiijiyad guud oo ku saabsan soo saarista agabka HIV/AIDS IEC, la macaamilka warbaahinta, kafaala qaadka safarrada gobollada iyo muujinta mashaariicda ugu waxqabadka wanaagsan.
  6. Ka-qaybgalka iyo isku-dubbaridka horumarinta istaraatiijiyadaha is-gaadhsiinta ee dedaallada qaran ee ka-hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS-ka;
  7. Dajinta nidaamyadda lagu abaabulayo bulshada si ay uga qayb qaataan hawlaha ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS
  8. Iskudubarid horumarinta xeeladaha loogu doodo wax ku ool ah oo la aqbali karo ee arrimaha la xidhiidha HIV/AIDS
  9. Dejinta xeeladaha isgaadhsiinta ee sawirka wacyigelinta ee Komishanka Aids-ka Qaranka oo ah hay'adda rasmiga ah ee isku xidhka dadweynaha ee dhammaan hawlaha HIV/AIDS ee Somaliland;
  10. Soo gudbinta xogta, fariimaha, baaqyada ku saabsan wax ka qabashada qaranka ee ka dhanka ah fiditaanka HIV/AIDS.
  11. In si dhow loola shaqeeyo dhinacyada ay khusayso si loogu ololeeyo kheyraad ku filan barnaamijka isgaarsiinta HIV/AIDS iyo kor u qaadista tayada warbaahinta maxalliga ah si ay si hufan ugu tebiso arrimaha HIV/AIDS
  12. Taageerada wakaaladaha qaabaynta iyo maaraynta ololayaasha bulshada iyo dhacdooyinka looga dan leeyahay in kor loogu qaado wacyiga togan ee HIV/AIDS, ka hortagga iyo xakamaynta;
  13. In la sameeyo istaraatiijiyad lagu abaabulo laguna wacyi geliyo dadka HIV/AIDS-ka iyo in la abuuro wacyigelin ku saabsan adeegyada taageerada ee la heli karo si loo xakameeyo fiditaanka HIV/AIDS ee dalka
  14. Ka taageer waaxyaha dawladda, ururada bulshada rayidka ah, kooxaha warbaahinta iyo culimada horumarinta siyaasadaha isgaarsiinta, xeeladaha iyo hawlaha ururadooda

Qodobka 18aad Awoodaha & Xilka Agaasimaha Waaxda Qorsheynt iyo Staatistics iyo Cilmi-baadhista

  1. Diyaarinta siyaasadaha iyo nidaamyaada siyaasadaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  2. Diyaarinta Nidaamka iyo habraacyada fulineed ee qorshaha siyaasadda
  3. u fasiraan ajandaha horumarinta qaranka ee la xidhiidha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka iyo samaynta istaraatiijiyadaha fulinta
  4. diyaarinta qorshe istaraatiijiyadeed oo shan sano ah ee Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka iyada oo la raacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland
  5. Isuduwidda qaabeynta, dib-u-eegista, fulinta iyo kormeerka siyaasadaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka; iyo in la hubiyo in ay la socdaan Siyaasadaha Qaranka, qaabdhismeedyada iyo istaraatiijiyadaha
  6. diyaarinta qorshayaasha shaqada sanadlaha ah, barnaamijyada horumarinta ee Komishanka (SOLNAC) iyo Dokumentiyada Istaraatiijiga ee waaxaha Komishanka
  7. bixinta hagid farsamo iyo taageerid hay'ad-dejinta qorshaynta istaraatiijiyadeed iyo habka miisaaniyadda ee Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka
  8. Isku-dubarid Waaxaha ay khusayso oo leh habka ama nidaamka
  9. Hirgelinta qorshaha siyaasadeed iyo qorshayaasha istiraatiijiyada Komishanka(SOLNAC)
  10. diyaarinta Siyaasada iyo hagayaasha cilmi-baadhista iyo statistics Komishanka (SOLNAC) samaynta cilmi-baadhista, xog-ururinta iyo falaqeynta xogaha iyo diyaarinta warbixinaha iyo kaydinta xogta Komishanka (SOLNAC)
  11. xidhiidhka dhamaan hay'addaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn
  12. Diyaarinta mashaariicda horumarineed
  13. Samaynta daraasadaha cilmibaadhista HIV/AIDS-ka

Qodobka 19aad Awoodaha & xilka Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Daba-galka

  1. diyaaritna warbixin sanadeedka Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Diyaarinta nidaamka hagaha kormeerka iyo qiimeynta
  2. diyaarinta Qaabka iyo nidaamka kormeerka iyo qiimeynta ee Waaxaha Komishanka (SOLNAC)
  3. ka taageerista Waaxaha kale ee komishanka Qaabka loo Qiimaynayo iyo Qaabka loo kormeerayo Shaqooyinkooda
  4. Qeexida baahiyaha kormeerka iyo qiimeynta ee mashaariicda Komishanka (SOLNAC)
  5. Falaqeynta xogaha kormeerka iyo qiimaynta ka soo baxa, iyo waxyaalaha lagu soo ogaado wakhtiga kormeerka iyo qiimeynta iyo u gudbinta warbixinta natiijooyinka ka soo baxa kormeerka iyo qiimaynta Agaasimaha Guud

Qodobka 20aad Awoodaha iyo xilka Agaasimaha Waaxda Tiknolojiyadda iyo Isgaadhsiinta

  1. Maamulida Waaxda Tiknolojiyadda iyo isgaadhsiinta iyo shaqaalaheega
  2. Maareynta tignoolajiyada macluumaadka iyo nidaamyada kombiyuutarka
  3. Xakamaynta iyo qiimaynta IT iyo hawlaha xogta elektarooniga ah
  4. Qorsheynta, abaabulka, koontaroolka, iyo qiimeynta Tiknolojiyada iyo hawlaha xogta elektaroonigga ah
  5. Naqshad, horumarisa, hirgelin, oo isku xidhka nidaamyada, siyaasadaha, iyo habraacyada
  6. Hubi amniga xogta, gelitaanka shabakada iyo nidaamyada kaydinta
  7. U dhaqan si waafaqsan baahiyaha isticmaalaha iyo nidaamka shaqaynta si aad wax ugu biiriso siyaasadda ururka
  8. Aqoonso meelaha dhibku ka jiro oo hirgeli xalalka istiraatijiyadeed wakhtiga ku habboon
  9. Nidaamyada hanti-dhawrka oo qiimee natiijooyinkooda Ilaali hantida, amniga macluumaadka iyo qaababka xakamaynta
  10. Wax ka qabashada miisaaniyad sanadeedka oo hubi waxtarka kharashka baahida IT
  11. Caawinta shaqaalaha ama macaamiisha iyada oo loo marayo ficillo taxane ah, waji ka waji; iimayl ku dir ama telefoon si aad uga caawiso dejinta nidaamyada ama xalinta arrimaha
  12. Xallinta arrimaha farsamada si loo xalliyo iyo/ama kor loogu qaado alaab-qeybiyaha ama hay'adaha iskaashiga sida loogu baahdo.
  13. Iyo Fulinta Awaamiirta Agaasimaha Guud

Qaybta 5AAD: Hawlaha xafiisyada gobolada iyo degmooyinka,

Qodobka 21aad Xilka iyo waajibaadka & Masuuliyadah Golaha kormeerka Komishanka ee Gobol

  1. In la xoojiyo qorshaha HIV/AIDS-ka ee gobal, degmo iyo bulsho si loogu gudbiyo Agaasinka Fulinta ee komishanka xakamaynta AIDS-ka.
  2. Qabashada Madasha Iskaashiga iyo dood-wadaaga HIV/AIDS ee Gobal: Madasha Iskaashiga iyo doodwadaaga HIV/AIDS waxay ka koobnaan doontaa dhammaan wakiilada qaybaha iyo kooxaha danaynaya wax ka qabashada HIV/AIDS. Waxay bixin doontaa madal lagu wadaago macluumaadka, lagana doodo macluumaadkaasi iyo soo jeedinta la-talinta Guddiga HIV/ AIDS ee Degmada, Gobolka iyo heer Qaran, laguna darayo nidaamka mamul daadajinta ee socda ee khuseeya caafimaadka iyo waxbarashada.
  3. Isku-dubbaridka liiska dhammaan hawl-fuliyeyaasha ku lug leh hawlaha HIV/AIDS-ka ee heer gobal.
  4. Awoodeynta iyo abaabulka wacyigalineed ee Goleha Isku-duwidda heer gobal, taas oo ay kala horreysiinayaan baahiyaha baahsan ee muwaadiniinta iyo arrimaha bulshada
  5. Qiimaynta iyo oggolaanshaha soo jeedinta maalgelinta ee ka yimaadda fuliyeyaasha ee siyaasada mamuldaadajinta ee heer gobal.
  6. In la hubiyo isku-dubbaridka hawlaha HIV/AIDS ee dhammaan goleyaasha bulshada ee gobal.
  7. In la sameeyo Qorshaha la-socoshada iyo qiimeynta ee la socda qorshe hawleedka gobalka Lagu la socdo xarumaha macluumaadka gobal,degmada iyo bulshada
  8. Isku-dubbarid warbixinaha gobal, degmo iyo bulsho oo loo gudbinayo Komishanka Xakamynta HIV/AIDS

Qodobka 22aad Xilka iyo waajibaadka Xafiiska xidhiidhinta hawlaha HIV/AIDS ee Gobolka

  1. Masuuliyadda Xidhiidhiyaha Hawlaha Komishanka ee heer Gobolka waa dhamaan hawlaha la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta cudurka/Cudursidaha HIV-AIDS-KA
  2. Waa masuulka gobolka uga Wakiil Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV AIDS-ka Somaliland
  3. Waa xoghayaha gudida hagista Komishanka ee heer degmo

Qodobka 23aad Xilka iyo waajibaadka Unnugga Kormeerka Komishanka ee heer Degmo

  1. In la xoojiyo qorshaha HIV/AIDS-ka ee degmo iyo bulsho si loogu gudbiyo Goleha Isku-Duwidda Heer Gobol.
  2. Qabashada Madasha Iskaashiga iyo dood-wadaaga HIV/AIDS ee Degmada: Madasha Iskaashiga iyo doodwadaaga HIV/AIDS waxay ka koobnaan doontaa dhammaan wakiilada qaybaha iyo kooxaha danaynaya wax ka qabashada HIV/AIDS.
  3. Waxay bixin doontaa madal lagu wadaago macluumaadka, lagana doodo macluumaadkaasi iyo soo jeedinta la-talinta Guddiga HIV/ AIDS ee Degmada, Gobolka iyo heer qaran, laguna darayo nidaamka mamul daadajinta ee socda ee khuseeya caafimaadka iyo waxbarashada.
  4. Isku-dubbaridka liiska dhammaan hawl-fuliyeyaasha ku lug leh hawlaha HIV/AIDS-ka ee heer degmo.
  5. Awoodeynta iyo abaabulka wacyigalineed ee Goleha Isku-duwidda heer dagmo, taas oo ay kala horreysiinayaan baahiyaha baahsan ee muwaadiniinta iyo arrimaha bulshada
  6. Qiimaynta iyo oggolaanshaha soo jeedinta maalgelinta ee ka yimaadda fuliyeyaasha ee siyaasada mamuldaadajinta ee heer degmo.
  7. In la hubiyo isku-dubbaridka hawlaha HIV/AIDS ee dhammaan goleyaasha bulshada ee degmada
  8. In la sameeyo Qorshaha la-socoshada iyo qiimeynta ee la socda qorshe hawleedka degmada Lagu la socdo xarumaha macluumaadka degmada iyo bulshada
  9. Isku-dubbarid warbixinaha degmo iyo bulsho oo loo gudbinayo Komishanka Xakamynta HIV/AIDS

Qodobka 24AAD: Xilka iyo waajibaadka Xafiiska xidhiidhinta hawlaha HIV/AIDS degmo ee komishanka

  1. Xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee degmada waa wakiilka komishanka ee Heer degmo
  2. Waa masuulka u xil saaran fulinta hawlaha la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS.
  3. Waa xoghayaha gudida hagista Komishanka ee heer degmo

Qodobka 25AAD: Dhaqangalka iyo Wax-kabeddalka