Xuska Maalinta AIDS-ka ee Ceerigaabo

Ceerigaabo:- Munaasibad Lagu Xusayay Maalinta Aids-ka Adduunka Ee 1da December Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Ceerigaabo. Guud ahaan gobolada Somaliland waxa maanta si wayn looga xusay maalinta Aidska adduunka,iyadoo uu halku dhigga sanadkanina ahaa Cidhibtir Takoorka, Aidska, Cudurada Faafa. Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa ka si wayn looga xusay 1 December 2021, Waxaana ka qayb-galay masuuliyiinta gobolka iyo degmada, hay'adaha laamaha dawladda, hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, isudawaha komishanka Aidska ee gobolka Sanaag.


Isuduwaha komishanka xakamaynta Aidska ee gobolka Sanaag Marwo Nimco Saleebaan Cali oo munaasibadda ha hadal ka jeedisay ayaa faahfaahisay waxyaabihii u qabsoomay komishanka Aidska iyo shaqada ballaadhan ee ay qaranka u hayaan, " komishanka xakamaynta Aidsku wuxu u shaqeeyaa bulshada inteeda nugul ee la nool caabuqa HIV Aidska,kuwaas oo u baahan daryeel, ilaalin, iyo soo dhawyn islamarkaana ah dad u baahan in aan lagu takoorin xanuunka, mudadii aanu gobolka ka shaqaynaynay waxanu qabanay waxyaabo badan waxanu tirakoob ku samaynay dadka caabuqa la nool, sidoo kale waxanu bulshada ku dhiiri galinay in la soo dhaweeyo oo loo la ilaaliyo". Sidoo kale masuuliyiintii ka qayb gashay munaasibadda xuska 1da December oo ah maalin loo asteeyay in la xuso dhibaatada uu leeyahay caaqbuqa HIV,ayaa tilmaamay in dadka la nool caabuqani inooga baahanyihiin