Komishanka Xakamaynta AIDS-ka wacyigelin ka fuliyey Jaamacada Adna Aadan
Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-KA Somaliland ayaa Barmaamujka wacyigalinta ee baraarug ka fuliyey Jaamacada Adna Aadan ee magaalada Hargaysa ugu horeyn waxaa hadalo kooban oo soo dhaweyn ah ka jeediyey madaxda Jaamacada Adna Adan, kadibna waxaa Barmaamujka wacyigalinta ka soo jeediyey Dr. Mustafe isagoo faahfaahin ka bixiyey Cudurka/Cudursidaha HIV-AIDS-KA ugu danbeyna waxaa kulankaasi soo xidhay Agaasimaha Wacyigalinta iyo Abaabulka ee Komishanka Muddane Maxamed Xaaji Yaasiin isagoo kula dardaarmay ka soo qayb galayaashu in ay iyaguna doorkooda kaqaataan wacyigalinta oo ay gaadhsiiyaan dhamaan ardayda jaamacada ee aan kulankabka soo qayb galin
https://youtu.be/VNrsva9RDn0