Komishanka Xakamaynta AIDS-ka wacyigelin ka fuliyey Jaamacada Adna Aadan

Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-KA Somaliland ayaa Barmaamujka wacyigalinta ee baraarug ka fuliyey Jaamacada Adna Aadan ee magaalada Hargaysa ugu horeyn waxaa hadalo kooban oo soo dhaweyn ah ka jeediyey madaxda  Jaamacada Adna Adan, kadibna waxaa Barmaamujka wacyigalinta ka soo jeediyey Dr. Mustafe isagoo faahfaahin ka bixiyey Cudurka/Cudursidaha HIV-AIDS-KA ugu danbeyna waxaa kulankaasi soo xidhay Agaasimaha Wacyigalinta iyo Abaabulka ee Komishanka Muddane Maxamed Xaaji Yaasiin isagoo kula dardaarmay ka soo qayb galayaashu in ay iyaguna doorkooda ka
qaataan wacyigalinta oo ay gaadhsiiyaan dhamaan ardayda jaamacada ee aan kulankabka soo qayb galin 

https://youtu.be/VNrsva9RDn0