Kulanka wada-tashi ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka iyo Guddiyada Barakacayaash, Dadka la-nool HIV iyo dhalinyarada

Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Somaliland ayaa la yeeshay kulan wada-tashi  Guddiyada Xaafadaha barakacayaash iyo Gudiyada dadka la-nool Xanuunka HIV iyo Dhalinyarada 
KulankaKula wada-tashiga oi uu hogaaminyey Agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka ee Komishanka Xakamaynta HIV-AIDS-KA Somaliland muddane Maxamed Xaaji Yaasiin iyo saraakiisha waaxda wacyigalinta komishanka 

kulankaasi oo ay madaxda komishanka xakamaynta AIDs-ka iyo Gudiyadaasi wada qaateen oo ay isku xog-waraysteen labada dhina islamarkaasi isku waydaarsadeen fikiradood kuwajahan ka hortaga iyo xakamaynta cudursidaha/cudurka HIV-AIDS-KA falqeyn iyo is-xog-waraysi dheer kadib, waxaa la isla qaatay in 
1  la dardargeliyo wacyigalinta si wada jir ah
2  in dhalinyarta ka qayb qaataan barmaamujyo wacyi-galineed ee bulshada 
3  in kulanada la joogteeyo
Intaasi kadib Agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Yaasiin oo kulanka soo gunaanaday ayaa waxa uu kula dardaarmay gudiyada iyo hawl-wadeenada komishanka in la fuliyo goaamadaasi iyo sidoo kale in la dardargelinti wacyigalinta bulshada si wada jir ah oi ay ka qayb qaadanayaa dhamaan gudiyada barakacayaasha, Gudiyada dadka la nool xanuunka iyo dhalinyarada