Kulanka is-xog-waraysi madaxda komishanka xakamaynta AIDS-ka iyo Qaybaha bulshada

SOLNAC: Waaxda wacyi-gelin iyo Abaabulku ee Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-KA Somaliland ayaa soo qaban qaabiyey kulan iswaraysi ah ee gudiyada qaybaha kale duwan ee bulshada sida gudida barakacayaasha, gudida dadka la-nool Xanuunka HIV-AIDS ka, dhalinyarta hawewnka iwm, iyo madaxda komishanka xakamaynta AIDS-ka.
 kukan kaasi oo ujeedadiisu ahay kor u qaadista wacyi-gelinta bulshada oo ay ka qayb qaadanayaan bulshadu.
Kulanka oo lagu qabtay Huteelka Imperial ee magaalada hargiesa,
Barmaamujkana waxaa hogaaminayey khabiirka dhinac caafmaadka ee komishanka
Dr. Maxamed Abdilahi Ibrahim
Sidoo kale, qabsoomida kulanka waxaa ka taageeray komishanka hay'adda caalamiga ah ee UNICEF.






Iswaraysi iyo wada shakaysi dheer oo dhexmaray Madaxda komishanka iyo Gudiyada qaybaha kale duwan ee bulshada waxaa la islaqaatay dardargelinta iyo kor u qaadista wacyi-gelin iyo ka hortaga, xakamaynta faafida cudursidaha/cudurka HIV-AIDS-KA, 

 Agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka ee Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-KA Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Yaasiin oo kulanka soo gabagaboobay ayaa ugu horeyn uga mahadnaqay hay'adda UNICEF oo ka taageertay komishanka dhinac dhaqaalaha, sido kale wuxuu u mahad naqay Gudiyadii ka soo qayb-galay kulankan Ugu danbayntiina wuxuu ku soo gunaanaday in kulanada qaybaha bulshada iyo komishanka xakamaynta HIV-AIDS-KA ay noqonayaan kuwa joogta si looga midho dhaliyo hadafka qaranka ee ah in la joojiyo fidida cudursidaha/cudurka HIV-AIDS-KA bulshada dhexdeeda.
La soci taxana