Agaasimaha Fulinta Komishanka xakamaynta HIV-AIDS-KA oo Xadhiga ka jaray Xafiiska cusub ee Gobolka Awdal

Agaasimaha Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS  oo xadhiga ka jaray Xafiiska cusub ee  Gobolka Awdal


Borama:- Agaasimaha Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland  Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil oo ay weheliyaan  Agaasimaha tobabarada iyo horumarinta Shaqaalaha Mr. Maxamed Jaamac Siciid iyo xubno ka tirsan komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka oo maalmihii u dambeeyay safar ahaqo igu maqnaa gobolada  dalka Jamhuuriyadda Somaliland safarkaasi oo ujeedadiisu tahay:
1.  Furitaanka Xafiisyada Cusub ee heer Gobolka   ee komishanka Xakameynta HIV AIDS-ka.
2. Tobabar shaqaalaha komishanka ee ka hawl-galaya Gobolka goboladaasi iyo
3. Kormeeridda iyo qiimeynta xafiisyaddaasi.

Ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 June 2022, Gaadhay magaalo madaxda gobolka  Awdal ee  Borama. Iyadoo agaasimaha fulinta komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka Somaliland Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil si rasmi ah xadhiga uga jaray xafiiska Komishanka Qaranka Ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka ee Gobolka Awdal, kaas oo xarun u noqon doona shaqaalaha komishanka ee gobolka islamarkaana laga dardar galin doono shaqada uu komishanku qaranka u hayo.
Munaasabadaasi xadhiga lagaga jaray Xafiiska cusub ee Gobolka Awdal ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xog-hayaha dawlada hoose ee Degmada Borama, Agaasimaha dhakhtarka Weyn ee magaalada Borama, Isudawaha komishanka Aidska iyo Badhasaabka Gobolka Awdal, madaxdaasi oo dhamaantood halkaasi ka jeediyey hadalo kooban. Ugu horeyna Waxaa Halkaasi hadal ka jeedisay isudawaha komishanka ee gobolka Awdal
Marwo Nimco Abdi Xasan oo xustay in ay maanta farxad weyn u tahay madaamay maanta joogto xafladii xadhigiga laga Jarayo Xafiiska cusub ee uu yeelanayo Gobol Awdal sidoo kalena waxay u mahad naqay agaasimaha Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka. Intaasi kadib, waxaa iyaguna hadal kooban ka jeediyay agaasimaha hospitaalka weyn ee Magaaladda Borama Dr. Adan Ibraahim libaan  iyo Xoghayaha Dowladda Hoose Degmada Borama mudane Eng Cabdilahi iyagoo dhamaantood uga mahad naqay agaasimaha Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka Somaliland Prof Ahmed Cabdi Ismaciil furitaanka Xafiiska Cusub ee Komishanka ee Gobolka Awdal
Gudoomiyaha Gobolka Awdal   Mr. Mohamed Ahmed Caalin (Tiinbaro) oo halkaasi ka jeediyey hadalo kooban oo ugu mahad naqayo Agaasimaha Fulinta ee Komishanka islamarkaana Gudoomiyuha wuxuu balanqadaay inuu la shaqeynayo Xafiiskan wuxuuna fariin u diray bulshada ku nool Gobolkan in ay dhamaantood la shaqeeyaan masuuliyiinta xafiiskan.
Ugu danbeyna Agaasimaha Fulinta Komishanka Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil wuxuu faahfaahin ka bixiyey ujeedada safarka oo uu sheegay kaliya in ayna ahay in xafiiskan xadhiga ka jaro lkn sidoo kale in tobabar la siinayo shaqaalaha ka hawl-galaya xafiiskan Gobolka Awdal iyo in ay ogaadaan xalada dhabta ee gobolka iyaga oo kulamo la qaatahay masuuliyiinta heer gobol ee komishanka iyo madaxda caafmaadka, degmada iyo gobolka.


Guddoomiyaha gobolka Awdal iyo Agaasimaha fulinta ee komishanka AIDS-ka ayaa si wada jira xadhiga uga jaray xafiiskan oo halbawle u ah isku xidhka shaqada komishanka u hayo qaranka, sidoo kalena masuuliyiinta heer gobol ay ugu adeegi doonaan shacabka.