
Barmaamujka Wacyi-gelinta ee Ciidan Ilaalada Xeebaha
Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV-AIDS-ka Somaliland oo kulan Wacyi-gelinta Cudursidaha HIV-AIDS-KA u qabtay Ciidan Ilaalada Xeebaha Somaliland Kulankaasi oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

madax Qaybta Wacyi-gelinta komishanka Dr. Cabdisalan oo ugu horayn xusay ujeedad kulan oo ah: In xubnaha ciidanka ee kulan ka soo qayb-galay laga siiyo warbixin iyo wacyi-gelin qaabka lagaga hortagayo Cudursidaha HIV-AIDS-KA iyo In ciidanka Ilaalada xeebaha ka qayb qaataan Wacyi-gelinta bulshada iyo ciidan dhexdiisa Sidoo kale waxaa halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey

Dr. Mustafe muse Cigaal Oo faahfaahin ka bixiyey cudurka HIV-AIDS-ka, Qatartiisa iyo saameyntiisaba. Waxaa iyana halkaasi ka hadashay, marwo.

Oo iyana ka hadashay siyabaha uu ku fido Xanuunkani, kuwaasi oo ay xustay in uu ku fido afar qaybood oo waaweyn oo kale ah: 1. Galmada 2. Gudbin hooyadda Uurka leh Sidoo kalena waxay ku tali bixisay in qof walba isbaadho marka uu guursanayo halkaa hooyadda uurka lehna ya joogtayso in ay xarumaha caafmaadka.

Ugu dambayn waxaa halkaasi ka hadashay Marwo. Oo iyadu ka hadashay xuquuqda qofka la nool caabuqa HIV-AIDS-ka iyo habka loola dhaqmayo in ay lamid tahay bulshada inteeda kale iyo sidoo kale in aan loo ilaaliyo xuquuqda shaqada iyo wixii lamida.