komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka oo Soo Gabagabeeyey kulan Hawleedkii Dib u Eegista Qorshaha KOMISHANKA

KOMISHANKA QARANKA EE XAKAMAYNTA HIV/AIDS-KA SOMALILAND oo Soo Gabagabeeyey kulan Hawleedkii Dib u Eegista Qorshaha KOMISHANKA Sanadka 2022. Kulan Hawleedkii dib u eegidda Qorshaha KOMISHANKA Sannadka 2022, oo socday muddo Laba Cishe ah, ayaa maanta Lagu soo Gabagabeeyey. Xidhaantii kulankaasi waxaa ka hadlay Masuuliyiinta Agaasinka Fulinta Ee Komishanka, ugu horeyna Waxaa Halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey La-taliyaha Komishanka jeediyeymuddane Mubaarik Maal isagoo uga mahad Naqay shaqaalihii kasoo Qayb galay kulan muddada laba cisho socotay ee lagu korfeynayey Qorshaha sanadka 2022. Kadibna wuxuu kusoo dhaweeyey Agaasimaha Tabobarka iyo Cudida Shaqalaha Ee Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV Somaliland mudane Maxamed Jaamac. Oo halkaasi ka soo jeediyey hadal kooban isagoo xusay in ka Agaasin Fulineed ay diyaar u yihiin in gacmaha la is qabsado, kana go’antahay in shaqadda loo soo dhaadhiciyo shaqaalaha, wuxuuna xusay in shaqaaluhu yihiin Lafdhabarka fulinta Shaqadda komishanka. Ugu danbayn waxaa kulanka soo xidhay Agaasimaha Fulinta Komishanka prof. Ahmed Cabdi Ismaciil isagoo xusay in uu filayo in uu sanadkan cusub noqdo sanad Qorshe kusoo galo Komishanka kaasi oo laba dhinaca cadaynaya: 1. In qorshe sanadeedka Komishanka ee 2022, cadaynayo in la iskula xisaabtamo iyo 2. Inuu cadaynayo in aynu garanayo xagaynu u socono (Road Map) ka Komishanka. Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray in Qorshan Komishanka ee 2022, ay la wadaagi doonaan cid kasta oo uu khuseeyo. Sidoo kalena ka Agaasin fulineed ay diyaar u yihiin wixii ku xidhan, dhinaca shaqaalahana laga filayo fulinta Qorshahan. Haddii Allah yidhaahdana mid term sanadkunu La qaban doono Qiimeyn lagu Qiimeynayo A) Maxaa ka fulay qorshaha B) Maxaan Fulin iyo C) Maxay u fuli waayey. https://youtu.be/mcwutT0yv8A