Kulan Hawleed lagu Gorfeynayo Siyaasadda Qaran ee Xakamaynta iyo ka-Hortaga fidintaanka HIV/AIDS ka Somaliland


Kulan Lagu Gorfaynayay Siyaasadda Qaran Ee  Ka-Hortagga Iyo Xakamaynta HIV/AIDS-ka Ayaa Lagu Qabtay  Xafiiska Agaasimaha Fulinta Ee Komishanka  Xakamaynta HIV AIDS-ka.
Agaasimaha fulinta ee komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka  Somaliland Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil oo ay weheliyaan Agaasimaha Cududa Shaqaalaha ee komishanka HIV AIDS-ka Mudane Maxamed Jaamac Siciid, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada komishanka iyo la-taliyayaal oo kulan ku yeeshay xafiiska agaasimaha fulinta ayaa si qoto dheer u gorfeeyay Siyaasadda Qaran ee ka Hortagga iyo Xakamaynta HIVAIDS, iyo hannaanka ugu habnoon ee ay tahay in loo wajaho  cidhibtirkiisa.
 
Agaasimaha fulinta Komishanka qanka ee xakamaynta HIV AIDS ka oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyafda ay leedahay in siyaasad cad oo midho-dhal ah laga yeesho sidii looga hortagi lahaa xanuunka HIV/AIDS-ka islamarkaana si heer qaran ah loogu wajahi lahaa,iyada oo uu komishankuna  doorka ugu wayn ka qaadanayo.
Kadibna, waxaa soo jeediyey Siyaasadda Qaran ee Xakamaynta iyo Ka-Hortagga samfarka HIV-AIDS-KA khabiirka Caafmaadka ee komishanka

Dr. MOHAMED CABDILAAHI IBRAAHIM. Siyaasaddaasi oo ka kooban
  • milicsiga guud,
  • Hiraalka iyo ujeedooyinka lagu xakamaynayo lagugana Hortaggayo fiditaanka cudursidaha HIV.
  • Maamul iyo Hirgelinta Siyaasadda iyo
  • Cilmi-Baadhista, dabagalka iyo Qiimeynta.