KULANKA DIB U EEGISTA QORSHAHA SANNADEEDKA 2022-KA EE KOMISHANKA QARANKA EE XAKAMAYNTA HIV/AIDS

Maanta oo taariikhdu tahay 25/01/2022, waxaa  KOMISHANKA QARANKA EE XAKAMAYNTA HIV/AIDS-KA SOMALILAND, ku qabtay Kulan Hoteelka Maansoor, kulankaasi oo ujeedadiisu ahayd  dib u eegista qorshaha sannadeedka 2022-ka ee Komishanka Qaranka Ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland. kulankaasi oo ay ka soo Qayb-Galeen Agaasimaha fulinta, Agaasimaha Waaxda Daweynta iyo Daryeelka iyo Agaasimaha Tobabaradda iyo horumarinta Shaqaalaha iyo dhamaan shaqaale weynaha Komishanka Qaranka ee xakamaynta AIDS-ka somaliland.
ugu horeyn, waxaa ujeedada kulankaasi iyo mudada uu soconayo  faahfaahin ka bixiyeye khabiirka komishanka Mudane Mubaarik Maal.kadib, waxaa halkaasi ka hadashay Agaasimaha Daweynta iyo Daryeelka  Komishanka Qaranka Ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland, Marwo Sahra Mohamed Husein, iyadoo kula dardaarantay dhamaan shaqaalaha ka soo qayb-galay in ay si hagar la'aan ah uga dhiibtaan fikir kooda, kuna daraan Aqoontooda, sidoo kalena iyadoo xustay in Qorshahana yahay ka la iskula xisaabtamayo, lagana rabo qof kasta in uu ka qayb-qaato diyaarintiisa iyo fulintiisaba. agaasimihu waxay ku soo dhaweysay Agaasimaha Fulinta Mudane Ahmed A. Ismail si uu ugu furo kulanka.
Agaasimaha fulinta Mudane Ahmed Abdi ismaaciil oo ugu horeyn ka waramay, wakhtiga la soo bilaabay diyaarinta Qorshahan, iyo maraaxil kale duwanaa ee uu soo maray diyaarintiisu, sidoo kale wuxuu agaasimuhu xusay in maanta ay tahay gabgabadii oo mudada labada cisho ee kulankani soconayna laga filayo in uu ka soo baxo natiijadda kama danbaysata ah ee qorshaha komishanka qaranka ee sanadka 2022. kaasi oo uu komishanka ku hawl gali doono sanadkan 2022.
ugu danbayna, Agaasimuhu wuxuu xusay in qorshahani yahay ka la iskula xisaabtami doona, Agaasimihuna kula xisaabtami doona dhamaan hawl-wadeenada komishanka, sidoo kalena uu yahay qorshaha fulintiisu uu kula xisaabtami doona Gudoomiyaha Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS-ka somaliland oo ah Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadaa somaliland.
Agaasimaha fulinta Prof. Ahmed Abdi Ismail, wuxuu si rasmi ah u furay kulankaasi dib u eegista qorshaha sannadeedka 2022-ka ee Komishanka Qaranka Ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka Somaliland.